Muqdisho-KNN-C/casiis Cali Ibraahim “C/casiis Xildhibaan” Afayeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay hanjabaadyo maalmihii la soo dhaafay ay Shabaab u jeedinayeen Ganacsatada Garoomada Salaxa ee magaalada Muqdisho.
Afayeenka ayaa sheegay in aysan Shabaab ka talin magaalada Muqdisho wararka sheegayana in ay Awaa-miir ku soo rogayn Ganacsatada qaar ay tahay warar been abuur ah balse ay jiraan dagaalamayaal Argagax gelinaya Milkiilayaasha goobaha Ganacsiga ee Gobalka Banaadir.
Ciddii u hogaansata amarka Al-shabaab ayuu sheegay in talaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, waxa uuna ganacsatada gaar ahaan Milkiilayaasha Goormada Kubadda Cagta uga digay in ay xiraan Garoomadooda ama ay lacag siiyaan Al-Shabaab.
Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay gacanta ku hayaan Liiska Ganacsato Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay lacag siiyaan Al-Shabaab, kuwaas xarumo ganacsi oo waa wayn ku leh Muqdisho.
Inkastoo aysan shabaab ka talin muqdisho ayaa hadane waxay lacago xad dhaaf ah ka qaataan Ganacsatada Soomaaliya kuwaas oo laga soo Waco Telephone halka qaarkoodna looga yeero goobaha ay maamulaan Al-Shabaab.
Ganacsadii ka soo hor jeesta amarka Al-Shabaab ayaa wajaha dhibaatooyin dhinaca amniga ah oo isugu jira dil, hanjabaad iyo waliba weeraro lagu qaado goobahooda Ganacsi.