Uncategorized

Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Koofur Africa oo maanta dhigaya Banaanbax looga Cabanayo dilalka Soomaalida.

Muqdisho-KNN-Magaalooyin ka mid ah Dalka Koonfur Africa ayaa maanta waxaa ka dhacaya Banaan baxyo ay dhigayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaasi, Waxayna ka cabanayaan dilal iyo dhac joogta ah oo loogu geysanayo dalkaasi South Africa.

Dadkaasi banaan-baxaya waxaa ay ku baaqeen in dhammaan la joojiyo shaqooyinka oo aan la aadin, isla markaana ay xerayaan dhammaan goobaha ganacsiga, waxaana laga baqayaa in rabshado ay ka dhashaan oo saameyn ku yeesha Soomaalida,

Qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koofur Africa ayaa KNN u sheegay in ay la kulmayaan Hanjabaadyo uga imaanaya Kooxo Burcad Koofur African ah, Ganacsatada ku nool deegaanada Tuulooyinka ah ee dalkaasi ayaa la kulmaya hanjabaadyada ugu badan.