Jowhar-KNN-Ciidamada amaanka magaalada jowhar ayaa maanta saldhiga Booliska degmadaasi ku xir xiray ganacsato ka mid ah kuwa magaalada jowhar.
Ganacsatada la xir ayaa ah kuwii baqaarada ku lahaa magaalada jowhar waxaana la tilmaamay in Al-shabaab la soo hadleen oo looga yeeray deegaanka Gamboole oo ay maamulaan Al-shabaab balse laamaha amaanka ayaa sida la sheegay ka war helay ganacsatadan oo ka baxay magaalada isla markaana kusii jeeday halka looga yeeray ee ah Gamboole.
intaas kadib ayaa waxaa ciidamo ay uga daba tageen ganacsadata oo ka baxaya magaalada iyadoo dhamantood xabsiga la dhigay.
bishii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale ku dhawaad 20 kamid ah ganacsatada xoolaha ee magaalada Jowhar , saldhiga lagu xiray kadib markii ay deegaanka Gamboole kula soo kulmeen Al-shabaab oo u yeeray.