Somali News

Ganacsato la kulmay Al-Shabaab oo lagu xiray Beled-xaawo

Ciidamada ammaanka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ganacsato la kulmay Al-shabaab ay ku xireen deegaano ka tirsan Gobalka Gedo.

Ganacsatadan  ayaa waxaa lagu qabtay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kadib markii ay Al-Shabaab kala soo hadleen sidii cunoqabeynta looga qaadi lahaa degmadaasi.

Talaabadan ayaa sidoo kale ay keentay in maanta gabi ahaanba uu hakad ku yimaado  isku socodka ganacsiga degmada Balad-Xaaw ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maanta  la xiray dhamaan goobaha ganacsiga degmada Beled-xaawo, iyadoona arrintaasi looga soo horjeedo xariga ganacsatada ah.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Beled xaawo ee gobolka Gedo.

Dhawaan ayay aheyd markii odayaal la kulmay Al-Shabaab lagu xiray degmada Beled xaawo, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ka qeyb galeen munaasabad lagu caleema saarayay Nabadoon ay garwadeen ka aheyd Al-Shabaab. Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Gedo ahna Madaxa Amniga iyo Siyaasada Gobolka Cismaan Nuur Xaaji (Macalimow) ayaa horey digniin u diray dadka doonaya in ay la kulmaan Al-Shabaab