Uncategorized

Ganacsato Soomaaliyeed oo ka cabanaya Safaaradda Emaaraadka ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Waxaa intii muddo ah jiray Cabashooyin kala duwan oo ay qabaan Shirkaddo Soomaaliyeed oo howl shaqo u qabtay Safaarada Imaaraadka Carabta ku leedahay Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Caasimada Muqdisho. Shirkadaas waxaa ka mid Shirkad dhismaha ee LIGHT LINE INVESTMENT LTD oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed kana diiwaan gashan Wasaarada Howlaha Guud ee dowladda Federalka Soomaaliyeed.

Sida Maamulka shirkadda LIGHT LINE INVESTMENT LTD Warsaxaafdeed ay soo saareen  2-March  2018 waxay ku sheegeen “1 August 2015, waxaa naga soo wacay Saraakiisha howlwadeenada ka ah Safaarada Imaraadka Carabta ee fadhigoodu yahay Muqdisho qeybtooda Mashaariicaha waxayna noo sheegeen in qorsheynayaan in ay dhisayaan Isbitaal weyn oo ay ugu magacdareen SHEIKH ZAYED HOSPITAL

Shirkada Waxay warsaxaafadeedkaas ku sheegeen in Qandaraaska dhismaha siiyeen Shirkad Carab ah oo ka diiwaan gashan Iskutaga Imaaraadka Carabta.Shirkadaasna waxay ay u baahan tahay in Qandaraas hoosaad siiso (Subcontract) Shirkad Soomaaliyeed waxaana kula talinay in ay qaadato Shirkada  LIGHT LINE INVESTMENT maadaama howlo dhismo Safaaradda horey ugu qabteen

Waxaa Kulan la qaadaney shirkad la yiraahdo AISHI AE lTD oo ah shirkadda dhiseysa Sheikh Zayed Hospital. Waxayna noo sheegeen, in safaaradda u sheegtay in aad  tihiin  shirkad ay la shaqeysan karaan oo shaqadda ay u baahan yihiin ka caawin karta. Waxaana ku heshiinay in aan u qabano oo kaliya Heykalka dhismaha ee shub ah (Structural Civil work). Lacagahana ay ku bixiyaan hadba markaan qeyb dhameystirno.”

War-saxaafadeedka shirkada waxaa intaas lagu raaciyey , “in Shaqada dhismaha ay si rasmi ah u bilaabatay November 2015 kii. Waxaana la badelay madaxdii Mashaariicda safaardda Imaaraatka Carabta oo horey na iskugu keen xirtay inaga iyo shirkadda AISHI AE LT waxaana la keeney maamule cusub oo la yiraado ENG ALI Al Mazourci.

Bishii Feberaayo  2016 waxa ay shirkadda Light Line Dhameystirtay qeybtii Koowaad ee dhismaha sidaa Darteed  Waxaa  mar Dambe Shirkada u yimaadeen  labadii nin heshiiska hore aan ula galney oo ah  Shirkadda AISHI AE LTd waxayna sameeyeen qiimeyntii Koowaad waxaana ku balanay qiimeynta inta dhiman sameeyaan

Warsaxafadeed Shirkada soo saartey waxay ku sheegeen “18/2/2016 waxaa shirkada  laga soo wacay Safaaradda waxayna noo sheegeen in Shirkadda Aisha lagala noqday shaqadii (Cancelled) saakayna dalka dib looga saaray adinka LIGHT LINE ahaana shaqaalihiina goobta shaqada isbitaalka kala baxdaan.

Maalmo ka dib Waxaan u tagnay madaxdii Mashaariicda Eng ALI Almazrouci waxaana kala hadalnay qadiyadeena iyo hantida lacageed ee isbitaalka nooga jirtay in aan rabno, waxa uu noogu Jawaabey “Wax kasta oo goobta shaqada ee isbitaalka yaal ay la wareegtay dowladda Emaraadka carabta oo ku jirto alaabteenii aan wax ku dhisaynay sababtoo ah waxaa lacag u hormarinay Shirkadda AISHI AE inta aysan shaqada bilaabin”  Waxay Shirkada intaas ku dartey in uu si Cad uu noogu sheegey Eng ALI Almazrouci

“Hadii aad dacwad qabataan u taga Hayadaha ku shaqada leh kadibna cabashadiina waxaa soo mar siisaan wasaaradaa arrimaha dibada ee dowladda Federaalka Somaaliya kadibna safaaradeena ayaa ku gudbinaysaan Wasaaradeena arimaha dibada ee Iskutaga Imaaraadka carabta” Warsaxaafaded Shirrkada waxaa intaa lagu darey

“Dacwadeenii waxaa geynay Maxkamada Gobalka Banaadir amarkii soo saartayna waxaa u gudbinay wasaarada Cadaalada iyo tan arimaha dibada ee dowladda federaalka Somaaliya wasaaradana waxay u sii gudbisay safaaarada Imaaraadka ee Muqdishu ku leedahay. Safaardana markaan la xiiriirnay waxa ay noo sheegeen in wasaaradooda u sii gudbiyeen”.

Warsaxaafadeedka Shirkada waxaa intaa lagu raaciyey “ Weli wax Jawaab ah ma helin  Marka kale  ayaa Wasaaradda arimaha dibada warqad ku celisay balse si la mid safaaradda Imaaraadka wax kama soo qaadin dalabka wasaaradda, Safaaradda markii Dambe  albaabada ayey  naga xiratay Iyada oo shaqadii ku wareejisay shirkad kale oo Kenya ka keensatay sidaas ayey ku lunsatay Hantideennii

Warsaxaafadeedka Shirkada  waxay ku sheegtey in Safaaradda Imaaraadka carabta ee Soomaaliya u fadhisa ay meesha u joogto sidii loo dhici lahaa hantidada dadk Soomaaliyaad iyadoo adeegsaneysa shirkaddo Maafiyo ah  dowladdeena isaga dhigeysa in ay kaalmeyneyso ummadda Soomaaliyeed magacna uga raadsaneysa aduunweynaha.

Sida ku cad warsaxaafadeedka Shirkadda LIGHT LINE INVESTMENT LTD waxaan ku wargelineynaa  shacabka Soomaaliyeed, Xildhimaanada dowladda Federaalka, Hayadaha u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo Qaramadda Midowoobay in hantida lagu dhisayo Isbitaalka loogu magacdaray SHEIKH Zayed Hospital ay tahay  Hanti laga dhacay shirkada Soomaaliyeed oo aysan aheyn Deeq ay bixisay Iskutaga Imaaraatka Carabta