Muqdisho-KNN-Ilaa 5 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dhex dilay Dukaan uu Ganacsade Soomaali ku lahaa Degmadda KwaDlangezwa ee Waqooyiga Gobalka KwaZulu-Natal ee dalka koonfur afrika
Toogashadaasi waxaa sido kale lagu dhaawacay 2 qof oo xaalladooda aad u liidato, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka ku yaalada gobolkaasi KwaZulu-Natal.
Tv-ga eNCA ee laga leeyahay koonfur afrika ayaa baahiyay warbixin la xiriirta weerarkaasi lagu qaaday dukaanka ganacsatada soomaalida ay leedahay isagoo sheegay in uu weerarkaasi khasaaraha dhimashada iyo dhawaca dhaliyay uu u muuqday isku-day lagu doonayey in lagu dhaco Dukaankaasi.
Dableeyda hubeysan ee weerarka geeystay ayaa la sheegay inay Toogasho ku dileen 2 kamid ahaa Ilaaladda Ammaanka iyo 3 qof oo ku dhax jiray Dukaanka waxayna dableeyda dhaceen lacag caddaan ah oo gaareeysay R50,000 oo u dhiganta 5000 oo dollar
Ibraahim Maxamed oo ka mid ahaa Shaqaalaha Dukaanka ayaa sheegay inuu Weerarkaasi ahaa Fal Dhac ahaa, isla markaana ay had iyo jeer ka dhacaan dalka Koonfur Afrika.
“Ma dhihi karno weerarka waxa uu xiriir la lahaa Falalka Isir-nacaybka ka jira koonfur afrika. Waxa uu weerarku ahaa dhac, maadaama uu sannadku dhamaanayo”ayuu yiri Ibraahim Maxamed.
Dhinaca kale, Madaxa Ammaanka Bulshadda ee Gobalka KwaZulu-Natal ninka lagu magacaabo Makolisi Kaunda ayaa sheegay inay ka war heleen Dhaca Hubeysan iyo dilka ka dhacay Dukaanka Soomaalida, isla markaana ay wadaan baaritaano lagu soo qabanayo dableydii ka dambaysay dilka 5-ta qof iyo dhaca dukaanka loo geeystay .
Si kastaba Ma aha markii ugu horreysay oo Burcadda South African-ka dhac iyo dil ka geystaan goobaha Ganacsiga oo ay Soomaalida ku leeyihiin koonfur afrika .