Uncategorized

Ganacsigii Suuq Bacaad oo Maanta Dib loo furay.

Waxaa maanta dib loo furay ganacsigii Suuq Bacaad, ka dib markii si ku meel gaara loo xiray maalintii Khamiista, taasoo ka dhalatay dilal qorsheysan oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhacay suuqaasi.

Awaamiir uu soo saaray Maamulka Degmada Yaaqshiid, ayaa lagu xiray ganacsigii Suuq Bacaad, ka dib markii ganacsatada lagu eedeeyay inay diideen inay la shaqeeyan hay’adaha ammaanka.

Ka hor intii aan albaabada loo laabin ganacsigii Suuq Bacaad, ayuu Maamulka Degmada Yaaqshiid uu laba kala daran mid dooro uu hordhigay ganacsatada, kuwaa oo kala ah inay sameystaan guddi lagala xisaabtamo amni darrada iyo in la xiro ganacsigii suuqa.

Ganacsatadu waxay ka cudurdaarteen guddigaasi, iyagoona Maamulka Degmada Yaaqshiid ka codsaday inay laamaha ammaanka ku shaqada leh wax laga weydiiyo uun arrimaha amniga, taa oo ka careysiisay Maamulka Degmada Yaaqshiid.

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Axmed Maxamed Xasan, ayaa sheegay inaysan iyagu iska xirin suuqa, balse ay sabab u xireen, taasoo ka dhalatay in suuqa dilal laga dhex fuliyo. Gudoomiyaha waxa uu tilmaamay inay walaac gelisay dilalka ku soo badanaya suuqa iyo sida ay ganacsatada u leedahay ma garanayno kuwa dilalka gaysanaya.

Gudoomiyaha, ayaa ku waramaya in ganacsatada laga doonayay inay laamaha ammaanka uga warbixiyan kuwa dilalka ka fulinaya suuqa, ugu yaraan inay hay’adaha amniga u sheegaan muuqaalada dadka wax dila,  ha yeeshee marka wax laga weydiiyo dembiile-yaasha, aanan looga fadhin inay ku jawaaban waxba kama garanayno.

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid, ayaa carab dhabay in dadka qarinaya dembiile-yaasha, ayba u arkaan kuwo raali ka ah falalka liddiga ku ah nabadgelyada, ee ay gaysanayan kooxaha Dowladda ka hor jeeda.

Waxa uu ka dhawaajiyay dowladi inaanay dowlad noqon karin, haddii aanay gacan ka helin qaybaha bulshada, waxaana uu ballanqaaday inay amnigoodu suggi doonaan ganacsatada Suuq Bacaad, haddii ay gacan ka gaysanayan in la soo qabto kuwii dadka ku dilay gudaha suuqa. Sidoo kale wuxuu ballanqaaday inay abaalmarino siin doonaan ciddii sheegta xog lagu soo qaban karo dembiile-yaasha.

Axmed Maxamed Xasan, Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid, ayaa sheegay in maamulka iyo ganacsatada Suuq Bacaad ay hadda isu soo dhawaadeen, Iyagoo isla gartay in wax laga bedelo xaaladihii hore ee jiray, isla-markaana ay ganacsatadu ballanqaadeen inay la shaqayn doonaan maamulka. Gudoomiyaha, ayaa shaaciyay in xilligan laga bilaabo uu furan yahay Suuq Bacaad.