Somali News

Gar gaarkii maanta la geyn lahaa Beledweyne oo baaqday.

Muqdisho-KNN-Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa lagu waday in ay ka degto diyaarad sida gargaarkii, iyadoona maanta baaqatay sida uu K NN u sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jiisow.

Sababta ay diyaarada u baaqatay ayaa waxaa lagu sheegay in tahay, kadib markii la waayay meel ay ku degto diyaarado, iyadoona la sheegayo in guddiga ay wadaan qorshaha ugu fudud ee gurmadka loo gaarsiin karo dadka ku dhibaateysan duleedka Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Webiga Shabelle ayaa fatahaad hor leh waxaa uu ka sameeyay guud ahaan xaafadaha magaalada Beledweyne, iyadoona arintaasi  ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Dowaladda Soomaaliya ayaa dhawaan magacawday guddi loo xilsaaray u gurmashada dadka fatahaaduhu ay saameeyeen.

Sidoo kale Dowlada Federalka ayaa sheegtay inay howlo cunto qeybin ah ka bilaabayso magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.