Muqdisho-KNN-Warar dheraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay derbi ku soo dumay qoys barakacyaal ah oo ku noolaa degaanka Garasbaaley ee koonfurta magaalada Muqdisho.
Qoyska oo ka koobnaa Hooyo, shan caruur ah oo ay dhashay iyo cunug kale oo la joogay ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen halkaas, kadib markii uu ku soo dumay derbi weyn oo ay kahoo dhisteen guri cooshado ka sameysnaa.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Hooyadaas, caruurteedii iyo cunugii kale ee la joogay uu Derbigu ku fariistay oo halkaas ay ku geeriyoodeen, iyadoo gurmadkii loo fidiyey aan lagu guuleysan in la badbaadiyo.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ugu yaraan afar qof oo kale oo deris la ahaa reerkan ay dhaawacyo ka soo gaareen derbiga soo dumay.


