Uncategorized

Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo lagu xanibay saraakiil Imaaraad ah

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ku xanibtay saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka.

Shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ayaa Idaacda Kulmiye u xaqiijiyay arintaan, waxay sidoo kale ay tilmaameyn in aysan ogeyn sababta ka dambeysa xanibitaankaan ku aadan saraakiisha u dhashay dowlada Imaaraadka.

Sida ay tilmaamayaan wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ay damceen in ay baaraan boorsooyinka ay wateen saraakiisha Imaaraadka ah ee ka baxayay Puntland una duulayay Imaaraadka, kuwaas oo ayagana diiday in labaaro boorsooyinkooda, isla markaana dalbaday in ay duulaan ayaga oo la baarin.

Saraakiishaan ayaa ahaa saraakiil taba bar siin jirtay ciidamada maamulka Puntlan, lamana oga waxa keenay isfahmiwaaga maadaama saraakiisha ay ahaayeen kuwoo in muddo ah ku sugnay Puntland taba bar siinayay ciidamada maamulkaas.

Dhawaan ayey aheed markii Axadii aan ka soo guudbnay lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Boorsooyin ay ku jireen 9.6 Milyan oo Doolar, Lacagtaas oo leheyd Safaarada Imaaraatka oo wararka qaar ay sheegeen in lacagta loo waday Puntland, dhacdadaas oo sii hurisay, khilaaf mudooyinkii dambe u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

lasoco wixii ka soo kordha.