Uncategorized

Garoonka Diyaaradaha M/Dhuusa-mareeb Oo ay ka soo dagayaan Madax kala duwan.

Dhuusa-Mareeb-KNN-Qaar ka mid ah madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, mas`uuliyiintaas ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha maamulka Jubalan Axmed Maxamed islaam ‘‘Axmed Madoobe‘‘ madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare waxaa horay Galmudug u sii gaaray madaxweynha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo kan maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele xaaf oo marti loo yahay.

Waxaa sidoo kale dhuusamareeb ku sugan Xildhibaano, Wasiiro, iyo xubna kale oo ka tursan Dolwlada Fedralka soomaliya, waxaa mas`uuliyiinta Magaalada Dhuusamareeb hada ku sugan ka mid ah Gudoomiya Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed iyo mas`uuliyiin kale.

Ujeedka Mas`uuliyiintaan Ay U gaareen magaalada Dhuusamareeb ayaa ah in lasoo gaba gabeeyo wada hadaladii u dhaxeeyay maamulka Galmudug iyo Ahlusuna, kaas oo haray uga soo dhacay magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho.

Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa ku sugan Garoonka magaalada Dhuusamareeb sida ay u soo dhaweeyaan Madaxdaan magaalada soo gaareyso.