Somali News

Garoonka magaalada Khartuum oo dib loo furay

KhartoumKNN: Suudaan ayaa dib u furtay garoonka diyaaradaha magaalada Khartuum oo xirnaa labadii cisho ee lasoo dhaafay.

Sargaalka ugu sareeyay socdaal dalka Sudan Jen Ibraahim Cadlaan ayaa sheegay inay maanta dib u bilowdeen duulimaadyadii adeegsan jiray garoonka caalamiga ah ee magaalada Khartuum kadib markii amniga la sugay sida uu sheegay

Si caadi ah ayuu sheegay in hadda shaqada garoonka u socoto inkastoo ay duulimaadyadu yar yihiin.

Dhanka kale r/wasaaraha dalkaa Cabdalla Xamduuk oo laga sii daayay xabsi guri uu ku jiray ayaa dib ugu laabtay gurigiisa waxaana la sheegay in kor laga illaalinayo.

Willi dibadbaxyo rabshdo wata ayaa ka socda wadooyinka magaalada Khartuum waxana looga soo horjeeda ciidamada talada wadanka la wareegay