Somali News

Garoowe:10 ruux oo Makamadd lasoo taagay iyo dib udhac ku yimid kiiskii Caa’isha

Garoowe-KNN-magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa saakay maxkamadd la horkeenay 10 eedeysane oo loo heysto in ay ka dambeeyeen dilkii iyo kufsigii marxuum Caa’isho Ilyaas loogu geystay Magaalada Gaalkacyo.

Fagaaraha saakay laga furay dacwadda kiiskii Caa’isha ayaa waxaa ka soo qeyb galay bulshada qeybeheeda kala duwan, qareeno, dacwad oogayaal, mas’uuliyiin iyo10 ruux oo la sheegay in loo heysto Todoba  dembi oo iskugu jira dilkii iyo Kufsigii Caaisho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar aad u da, yar.

Kolkii xeer ilaalintu soo jeedisay eedaha ka dhanka ah 10kaasi ruux ayaa qareenadii difaacayay eedeysanayaasha waxa ay dalbadeen in la siiyo waqti dheeraad ah si ay iskaga difaacaan eedaha uguna soo diyaar garoobaan.

Xeer ilaalinta ayaa qareenadii u doodayay eedeysanayaasha ka ogolaatay codsigoodii, waxaana dib loo dhigay dhageysiga dacwada masuul ka tirsan Xeer Ilaaliyaasha Maamulka Puntland ayaa sheegay in Maalinta Sebtida ah ee nasoo aadan  dib loo furi doono dhageysiga kiiska dacwada ah ee loo heysto dadkii ka  dambeeyey Kufsiga iyo dilka Caa’isha Ilyaas Aaadan