Somali News

Garowe: Maxkamadd maanta markii Seddaxaad la hor geynayo 10 eedeysane oo loo heysto kiiskii Caa’isha Ilyaas

Garowe-KNN-Maxkamadd ku taala magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa saakay markii Seddaxaad waxaa lagu wadaa in horgeeyo 10 eedaysane oo loo heysto inay ku lugleeyihiin dilkii iyo kufsigii marxuum Caa’isha Ilyaas Aadan.

Xeer ilaalinta maamulka Puntland oo ku howlan baaritaanka kiiskii Caa’isha ayaa maanta waxaa lafilayaa in maxkamadda ay hor geyn doonto caddaymo dheeraad ah oo ku aadan kiiska iyo natiijada dhiiga looyaqaano DNA-da oo laga qaaday eedaysanayaasha lagu tuhmayo kiiska Caa’isha.

Sidoo kale warar aan heleyno ayaa sheegaya in saakay Maxkamadda laga hor cadey doono inaysan wax dambi ah lahayn Todobo kamid ah eedaysanayaasha oo xeer ilaalinta guud ee Puntland ay horay u sheegtay in tuhun oo kaliya lagu soo qabtay isla markaana ay baaritaan ku wadaan.