Somali News

Garowe oo maanta laga howlgaliyay Ciiadamo cusub oo u gaar ah

Muqdisho-KNN-Magaalada Garowe ayaa maanta waxaa si rasmi ah looga howlgeliyey ciidamo cusub oo loogu magac daray ciidanka tayeynta ammaanka caasimadda Puntland.

Ciidamadaas ayaa waxaa la sheegay in ay beegsa  doonaan hubka sharci darrada ah ee lagu dhex wato magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana la sheegay in howlgaladdoda ay ka bilaabayaan dhalinyaro ku howlan falal ammaan lidi ku ah oo ku nool magaaladaas, soo celinta bilicda magaalada iyo bur-burinta goobaha aan ku wanaagsaneyn bilicda magaalada.

Guddoomiyaha degmada Garowe, guddoomiya ku-xigeenka gobolka Nugaal, taliyaasha ciidamada booliska iyo daraawiishta iyo wasiirka amniga maamulka Puntland oo si wadajir ah ula hadlay ciidanka cusub ee maanta ka howlgalay magaaladaas ayaa kula dardaarmay in ay wanaajiyaan anshoxooda si ay ugu guuleystaan howlha loo igmaday, sidoo kalana dhawraan xuquuqda dadka shacabka ah.