Somali News

Garowe: Rag loo heysto dilkii iyo kufsigii Caa’isha Ilyaas oo mar kale maanta Maxkamadd lasoo taagay

Garowe-KNN-Maxkamadd ku taala magaalada Garowe Sabtida maanta waxaa mar kale u fadhiisatay dhegaysiga dacwadda loo haysto, 10 nin oo ku eedaysan kiiskii marxuum Caa’isha Ilyaas Aadan oo 25-kii Febraayo ee sanadkan kufsi iyo dil loogu geystay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxkamadda ayaa dhegaysanaysa ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland, Maxamed Xareed Faarax oo akhrinaya dacwadda loo haysto eedaysanayaasha.

Dhanka kalana waxaa qareenada u doodaya eedaysanayaasha ayaa mid mid looga dhegaysan doonaa doodda ay ku difaacayaan, ka hor inta aan maxkamaddu go’aan ka gaarin kiiska.

Goobta maxkamaddu ka dhacayso, waxa haatan ku sugan mas’uuliyiin ka kala socota wasaaradaha Haweenka iyo Caddaalada maamulka Puntland, xubno ka socda laamaha garsoorka, qareenno, ehelada eedaysanayaasha, xubno ka socda qoyska marxuum  Caa’isha Ilyaas iyo dadweyne kale.