Somali News

Garsoore cusub oo maanta loo dhaariyey Maxkamadda Sare ee Mareykanka

Aqalka Senate-ka ee Congress-ka Maraykanaka ee xisbiga Jamhuurigu uu ku badan yahay ayaa Isniintii shalay madaxweyne Donald Trump siiyey guul doorashada ka hor ah, kadib markii ay ansixiyeen haweenaydii uu u soo xulay inay garsoore ka noqoto Maxkmadda Sare, Amy Coney Barret.

Ansixintan ayaa Maxkmadda Sare ka dhigeysa mid garsoorayaasha aragtida muxaafidka ah haystaa ay ku badan yihiin, kuwaas oo noqonaya 6, halka kuwa aragtidoodu furfuran tahayna ay yihiin 3.

Xubnaha Aqalka Senate-ka ayaa mid walbaa xisbigiisa la codeeyey markii la ansixinayey Barret, xilkan oo ah mid abadi ah.

Waa ansixintii 3-aad ee garsoore maxkamadda sare ah ilaa intii Madaxweyne Trump uu xilka hayey. Waxaa ka horreeyey Neil Gorsuch iyo Brett Kavanaugh

Tallaabadan ayaa guul u noqonaysa Madaxweyne Trump, oo kaalmo ka helaya hogaamiyaha aqlabiyadda Aqalka Sare ee Congress-ka Mitch McConnell.