Boosaaso-KNN-Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ku dhaawaceen Garsoore ka tirsan Maxkamada Sare ee Maamulka Puntland.
Garooraha la dhaawacay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Siciid Cabdi Muumin ,iyadoona la sheegay in weerarka uu dhaawac fudud ka soo gaaray.
Dhaawaca garsooraha ayaa waxaa loola cararay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.
Boosaaso ayaa ka mid ah meelaha inta badan ay dilalka ka geystaan dagaalamayaasha Ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.


