Somali News

Gawaari lagala soo baxsaday Kilinka Shanaad oo Balanballe lagu qabtay

Balanballe-KNN-Wararka naga soo gaaraya degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amaanka ay gacanta kusoo dhigeen gawaari lagala soo baxsaday dowlad deegaanka Soomaalida.

Taliyaha ciidanka Booliska degmada Balanballe Cabdi Muuse Cali oo la hadlay KNN ayaa sheegay in xuduudda lagala soo gudbay dhowr iyo toban gawaari ah, xilliganna ay gacanta ku soo dhigeen gawaario aan tiro yareyn, qaarkoodna waxa uu sheegay taliyuhu in gawaaridan loola gudbay deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Arintan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa iyada oo dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay heysato, ay ka taagantahay xiisado colaadeed oo ka dhashay isbadalkii dhawaan ka dhacay halkaasi.