Muqdisho-KNN-Kadib markii shalay ciidamo badan ay la wareegeen xarunta Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaaTaliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas C/wali Jaamac Gorod, wuxuu sheegay in ciidamaddii Shalay hubka la galay Xarunta Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya intooda badan lasoo qabtay, baaritaanna lagu sameyn doono.
“Ciidankii gudaha u galay Xarunta golaha Shacabka ee amardiidada sameeyey waxaan ugu tagnay meelihii iyo barahii ay joogeen, intiisa badan gacanteena ayey ku jiraan, kuwa kalana way maqan yihiin, waana laga daba tagayaa” ayuu yiri Gen Gorod
Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga ay ku raad joogaan Ciidan dhar cad ah oo la socday Ciidanka gudaha u galay xarunta golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“wararka aan helnay waxay sheegayaan inay jiraan Ciidamo kale oo aan kamid aheyn Ciidanka qalabka sida oo laga yaabo inay ku gambadeen Ciidanka, iyaggana waan oggaaneynaa, waana soo qabaneynaa, hadda arrinta si nabad ah ayey ku dhammaatay, xasilooni ayaa jirta, wax dhibaato ah ma jirto, ciddii isku dayda inay ka boodaan sharuucda dalka tallaabo fiican oo munaasib ku ah ayaa laga qaadi doonaan” ayuu mar kale yiri Gen Gorod