Somali News

Jenaraal Indha Cadde oo ka hadlay amni darada Muqdisho

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ah Saraakiishii hore ee Dowladda Soomaaliya oo la hadlay KNN ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay amni darada ka soo cusboonaatay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Indha Cadde ayaa walaac xoogan ka muujiyay  xaalada amniga dalka oo uu sheegay in uu noqday mid aad u liita,isaga  oo DFS  ku eedeeyey in aysan  la imaan qorsho amni, kaasi oo wax  looga qaban karo amni xumida ka jirta dalka.

“Beryahan dambe waxaa soo kordhay amni darada Muqdisho, sida  dilalka qorsheysan, miinooyinka la geliyo wadooyinka iyo dhaca habeenkii loo geysto dadka shacabka ah, waa daruuf Soomaalida Muqdisho ku nool in muddo ahna ku noolaayeen, waxaa loo baahan yahay in qorshe cusub lala yimaado”.

Halkan Hoose ka Dhegyso