Somali News

Gen. Indha Cade oo madaxda dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabato cabashada ka soo yeertay ciidamada.

Muqdisho-KNN-Janeraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade)  oo wareysi siiyay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa ka hadlay cabashada maal mahan ka soo yeeraysay ciidamada xoogga dalka, kaasi oo ku aadan in wax mushaar ah aysan qaadan.

Waxaa uu sheegay Janeraal Indha Cade in Ciidamada aan Afar Bilood la siin mushaar iyo raashin ee ka soo baxay furumaha dagaalka ay tahay dhibaato horleh oo soo korortay, hayeeshee ay u baahan tahay in laga gudbo.

Sidoo kale Janeraal Indha Cade ayaa waxa uu madaxda dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabato cabashada ka soo yeertay ciidamada Xoogga dalka, isagoona fariin u diray ciidamada xoogga waxaa uuna ka dalbaday inay dib ugu laabtaan furumahooda dagaalka.

Maalmahan ayaa waxaa jiray Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga Dalka oo ka cabanaayay Mushaar la’aan, kuwaasi oo soo baneeyay qaar ka mid ah furumaha dagaalka.

Ciidan mushaar la’aan ka cabanaayay ayaa isaga soo baxay deegaaano ka tirsan Gobalada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe.