Uncategorized

Gen.Muungaab “Madaxweynaha waa u banaan-tahay inuu Magacaabo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare”

Muqdisho-KNN-Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Madaxweynaha Soomaaliya uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Gar-yaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa siyaabo kala Duwan waxaa uga hadlay masuuliyiin iyo xubno kale oo siyaasiin ah.

Siyaasiinta iyo Masuuliyiinta ayaa ku kala aragti Duwan in Madaxweynaha uu xilka ka qaadi karo iyo in kale, Inta badan dadka ayaa qaba iney Muhiim aheyd go’aanka Madaxweynaha Sharcina ay tahay inuu sameeyo xil ka qaadista maadaama uu meesha ka maqan yahay Guddiga Adeegga Garsoorka.

General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir ayaa qoraal uu Bartiis Facebook soo dhigay waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha uu ku saxan yahay Xil ka qaadistii uu ku sameeyay Guddoomiyaha Sharcina ay tahay maadaama uusan Jirin Guddiga Adeegga Garsoorka Dalka.