Somali News

Gen Odawaa oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa maanta ka dhacay xerada ciidanka ee Generaal Dhaga badan oo ku taala degmada Wadajir ee gobolka banaadir.

Gen Odawaa ayaa sheegay in 10 qof ay ku geeriyoodeen qaraxa, halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii qof is ku soo xiray waxyaabaha qarxa uu soo dhex galay dhalinyaro doonaysay in ay ka mid noqdaan ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in inta uusan dhicin qaraxa dhalinyarada lagu baarayay koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan.

Sidoo kale taliyaha ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxa, isagoona ku eedeeyay qaraxa in ay ka dambeeyeen Al-shabaab