Somali News

Gen Odawaa oo sheegay in xubno Al-Shabaab ah lagu dilay Jubbada Hoose.

Muqdisho-KNN-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadashay howlgal ay ciidamada xoogga ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobalka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolkaasi Jubbada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalka lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, halka midkalana nolasha ay ku qabteen.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka hawlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa Jalalaqsi iyo Buuleburte lagu dilay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madaxii Jabhadaha Al-shabaab ee gobolka Hiiraan iyo Xasan Yare oo ahaa madaxii Miinooyinka.