Somali News

Gen Saadaq Joon oo noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka

Gen Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa kusoo baxay kursiga tirsigiisu tahay Hop 248, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, ee gobolka Galgaduud.

Saadaq ayaa helay 81 cod, halka musharixii la tartamayay uu helay 17, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka ee Galmudug.

Taliyihii hore ee qeybta guud gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii diiday muddo kordhintii fashilmatay ee loo sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi.