Uncategorized

Genaraal Gorod oo Sheegay in Gaalkacyo uu tagay Sidii uu ugu qeyb qaadan lahaa nabada magaaladaasi.

Gaalkacyo-KNN- Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod oo saxaafada ku hadlay magaalada gaalakcyo ayaa waxaa uu sheegay in magaalada dhibaatooyin badan ay ka jiraan,islamarkaana waxaa uu tilmaamay inuu isku keeni doono maamulada puntland iyo galmudug,si Nabad looga Dhigo Magaaladaasi.

C/wali Jaamac Xuseen Gorod ayaa Wuxuu sheegay  in ay ka go’an tahay sidii uu uga qeyb qaadan lahaa nabadeynta Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo,basle uu shaaca ka qaaday in ujeeda uu tahay in magaalada gaalkacyo ay tahay sida ugu macquulsan ee la isugu dhafi karo ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale Shacabka ku nool Magaalada gaalkacyo ayuu ugu baaqay inay ka Shaqeeyaan hormarka Magaalada,islamarkaana laga hortago kooxaha dhibaatooyinka ka geysta Magaaladaasi/

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay wadaa sidii la isugu dhafi lahaa ciidamada xoogga,maadaama hada Magaalada Gaalkacyo uu ku sugan yahay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Cabdi Welu Jaamac Xuseen Gorod.