Somali News

General Koronto “Hirshabeelle waxaan ka bilaabeynaa duqeyn diyaaradeed oo Al-Shabaab lagu baacsanayo “

Beledweyn-KNN-General Maxamuud Maxamed Koronto oo ah taliyaha qeybta 27aad ee milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in HirShabeelle ay ka bilaatay howlgalo Al-shabaab looga saarayo labada gobal ee HirShabeelle islamarkaana ay u diyaar-garoobeyn Ciidamada Soomaaliya.

“Annaga oo kaashaneyno diyaaradaha dagaalka ee maraykanka waxaan bilaabi doonaa duqeyn diyaaradeed oo lala beegsanayo xarumaha Al-shabaab ee HirShabeelle, ciidamadeynana waxay sameyn doonaan howlgal lugta ah waxa uuna qorshuhu yahay inaan Al-shabaab ka sifeyno HirShabeelle” ayuu yiri General koronto.

Dhinaca taliyaha ayaa sheegay in hada uu socdo dagaal ka dhan ah Al-shabaab kaas oo ay wadaan Milatariga Soomaaliya waxa uuna ka socdaa gobalada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo laysku yiraahdo HirShabeelle.