Somali News

George W Bush oo u hambalyeeyay madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka.

Madaxwaynihii hore ee dalka wadanka Mareykanka George W Bush ayaa u hambalyeeyay madaxwaynaha ladoortay ee dalkaasi Joe Biden.

Mr Bush ayaa Biden u hambalyeeyay mar uu ku lahadlay qadka taleefanka waxaana arintan ay ugasii dartay kala aragti duwanaantii u dhaxeesay xubnaha xisbiga Jamhuuriga.

Qaar kamid ah xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa u hambalyeeyay Joe Biden halka qaar koodna ay ka gaabsadeen, waxaana sidoo kale jira qaar madaxwayne Trump ku taageersan in doorashada looga shubtay.

Dhanka kale kooxda madaxwaynaha ladoortay ayaa bilaabay qorshihii ay bisha Janaayo kula wareegi lahaayeen xafiiska.