Uncategorized

Ger. Caanood oo faafaahin ka bixiyay weerarkii ka dhacay Buulla-mareer

Muqdisho-KNN-Amaanduulaha ciidmada xooga dalka Soomaliyeed Cabdulaahi Cali Caanood oo warbaahinta la hadlay ayaa faa faahin ka bixiyay weerarkii lagu qaaaday xerada Amisom ee deegaanka Buula-mareer, degmada kuntuwaarey oo kawada tirsan gobalka shabellaha Hoose weerarkaasi oo ay qaadeen dagaalamaaysha Al shabaab.

Amaanduulaha ayaa sheegay in weerarkaasi laga war hayay islamarkaana lafashiliyay.

Waxa uuna intaasi ku daray hadalkiisa in Al-shabaaabkii weerarka ku qaaday xerada Amisom ee Buula mareer looga dilay 66 dagaalame oo ay ku jiraan AMIIRO halka dhankooda waxyeelo ay kasoo gaartay ilaa iyo 3 Askari oo dhaawac ah sida uu hadalka u dhigay amaanduule Caanood.

Cabdullaahi Cali Caanood Amaanduulaha ciidamada xooga dalka soomaliyeed ayaa sheegay in dhawaan dagaalka saf mareen ah lagu qaadi doono dagaalamayaasha AL-Shabaab kaasi oo looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay kaga suganyihiin dalka.

Sidoo kale waxa uu cadeeyay in dagaalka uu iclaamiyay amaanduulaha aan ee la qaadi doono aan loo kala hari doonin ayna qeyb ka noqon doonaan dhamaan masuuliyiin dowladda soomaliya katirsan.