Uncategorized

Giriiga oo sheegay in ay la dagaalami doonaan dadka wax Tahriibiya.

Muqdisho-KNN-Ilaalada xeebaha ee dalka Giriigga ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 qof oo muhaajiriin ah oo ay ku jiraan afar caruur ah ay dhinteen kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku qalibantay badda u dhaxeeysa Turkiga iyo Greek-gga.

Waxaa la aaminsanayahay in doonida ay saarnaayeen dad kor u dhaafaya labaatan qof iyadoo dadkaa qaarna weli lala’yahay Waxaana socoda baadi goob loogu jiro dadkaasi.

Wasiirka socdaalka ee Giriigga Dimitris Vitsas, ayaa sheegay in dalka Greek-gga uusan raali ka ahayn kana noqon doonin in ay dadka ku dhamaadaan jasiiradda Aegean.

Waxaa uu intaa ku daray in xalka kaliya ee lagu xakameeyn karo muhaajiriinta uu yahay in la soo saaro taalabooyin laga qaado dadka wax tahriibiya kuwaas oo muhaajiriinta ka caawiya wadooyinka ay maraan.

Midowga yurub ayaa sheegay in sanadkii hore ay aad u yaraayeen muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka tallaabo soohdimaha wadamada yurub tan iyo markii ay biloowdeen musiibada tahriibeyaasha afar sano ka hor.

Midoowga yurub ayaa heshiis la sixiiday 2016-kii taas oo sababtay in uu aad u yaraato tirade dadka u gudba Geek-gga