Dhuusamareeb-KNN-Maalmihii la soo dhaafay kulamo ay magaalada Dhusamareeb ku yeesheen qeybaha kala duwan ee Bulshada, ganacsatada magaalada iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo uu ugu horeyo madaxa Xukuumadda Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa la sheegay in ay kulamadaas kasoo bexeen go’aano la isla gartay.
Kulamadaas ayaa waxaa looga hadlayey sidii reer Dhuusamareeb ay usoo dhaweyn lahaayeen dadka u imaanaya shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug oo gogoshiisu taallo magaalada Dhuusamareeb, kaas oo lagu wado in uu dhawaan furmo.
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo la lahaay waxgaradka iyo ganacsatada reer Dhuusamareeb ayaa waxaa la sheegay in uu kala hadlayey sidii ay usoo dhaweyn la haayeen martida ka qeyb galeysa shirweynaha dib u heshiisiinta, sidoo kalana aan loogu qaaliyey laheyn maciishadda iyo kirada guryaha.
Sheikh Maxamed Shaakir iyo qeybaha kala duwan ee bulshadii uu la kulmay ayaa waxaa la sheegay in ay isla garteen sidii loo soo dhaweyn lahaay martida soo gaareysa Dhuusamareeb, sidoo kale waxa ay go’aan ka gaareen kirada guryaha magaalada.
Guriga Filada ah ee ku yaalla Dhuusamareeb ayaa waxaa go’aan lagu gaaray in kiradiisa ama ijaarkiisa aan laga badi karin 1,000 (kun dollar) ciddii guri ay leedahay ijaarta lacag intaas ka badana waxaa la go’aamiyey in maamulku uu talaabo ka qaado, iyadoo lagu balamay in jiifka Hotellada iyo maciishadda aan lagu qaaliyeeyn dadka martida ah ee kasoo qeyb galaya shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug oo dhawaan ka furmaya magaalada Dhuusamareeb.