Somali News

Go’aanka dowladda ee xirada qaar kamid ah baraha bulshada oo wali dhaqan galin

Go’aanka Dowladda Soomaaliya ee xirada Baraha bulshada ee kala ah TikTok iyo Telegram ayaan wali dhaqan galin.

Barnaamijyada ayaa wali si caadi ah uga shaqaynaya guud ahaan Soomaaliya iyadoo xalay la filayay inuu dhaqan galo go’aankii dowladda ee lagu joojinayay.

Saacadihii la soo dhaafay bulshada ayaa hadal haysay sida uu u dhaqan gali doono go’aanka Dowladda.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ayaa xalay sheegay in go’aanka dowladda wali sidiisi yahay, wallow uusan dhan galin.