Somali News

Go’aano laga soo saaray Kulan deg deg ah oo laga yeeshay amniga Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre, ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya, taliska AMISOM iyo Safiiro iyo Wakiilada dalka u jooga dalalka taageera Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii looga jawaab celin lahaa weerarada iyo dagaalka Al-shabaab oo ku soo kordhaya dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana la isku raacay in ciidamada ay qaadaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada difaaca Soomaaliya Gen Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) ayaa warbaahinta u sheegay in la isku raacay weerar lagu qaado Al-shabaab kaas oo looga jawabayo weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho.