Uncategorized

Go’aano laga soo saaray Shirkii hay’adaha garsoorka ee lagu qabtay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Saraakiil ka tirsan hay’adaha garsoorka Dalka ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Myqdisho iyagoo ka shiray xaalada Garsoorka Soomaaliya iyo Maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka.

Shirka hay’adaha  garsoorka ayaa lagu qabtey xarunta maxkamadda Sare waxaana ka soo qeyb galey wasiirka wasaarada cadaalada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka, Garyaqaanka guud ee dowlada iyo Saraakiil ka socotey booliska.

Kulanka oo si wadajir ah u shir gudoominaayeen guddoomiyaha Maxkamada sare dalka iyo wasiirka cadaalada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana shirka looga hadley dardargelinta qodobada soo socda:

In si wadajir ah wax looga qabto dacwadaha ku dhisan been abuurka.

Boolisku in ay fuliyaan xukunada iyo go’aanada ka soo baxa maxkamadaha dalka si ay u helaan cadaalad muwaadiniinta Soomaaliyeed.

In si deg deg ah maxaabiista ku xiran xabsiyada iyo saldhigyada loo horkeeno garsoorka si ay cadaalad u helaan.

Xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha fulinta ee la shaqeeya hay’adaha Garsoorka.

Hay’adaha Garsoorka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in ay ka jirto Musuq maasuq iyo Cadaalad daro taas oo sameysay dadka danyarta ah ee dhibaatada heysata kuwaas oo la sheegay in ay lagu sameeyay xad gudub awoodeed.