Muqdisho-KNN-Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo la filayo in uu maanta mar kale furmo ayaa golaha waxa ay kulamo kala duwan la yeelan doonan Midowga Musharaxiinta mucaaradka kaa oo ay uga dhegaysan doonaan cabashooyin la xiriira Habraacyada Doorashooyinka golaha shacabka sida ay KNN usheegeen xubnaha golaha wadatashiga qaran.
Ilo lagu kalsoonan karo ayaa sidoo kale KNN u sheegay in xubnaha golaha wadatshiga qaran ay is afgarad buuxa ka gaareen arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin arinta amniga.
Shirka golaha wadatshiga qaran oo maalmihii lasoo dhafay ka socday muqdisho ayaa golaha waxaa la filayaa in ay maanta soo gaba-gabeyaan shirka kana soo saaran war-murtiyeed.
Shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa il gaar ah ku wada eegaya natiijada kasoo bixi doonta shirkan u dhaxeeya Raysal wasaare Rooble, shanta madaxweyne goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.