Muqdisho-KNN-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo soo saartay warbixintii u dambeysay ee xaaladaha Coronavirus ayaa soo bandhigtay kiisas badan oo laga kala diiwaan geliyay gobollada dalka.
Wasaaradda ayaa shaacisay in dalka laga diiwaan geliyay 45 xaaladood oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga kala diiwaan geliyay gobolka Banaadir 25, Somaliland 17, Puntland ayaa laga diiwaan geliyay laba kiis, halka Koonfur Galbeed laga helay hal kiis oo Coronavirus ah.
Sidoo kale warbixinta wasaaradda caafimaadka waxaa lagu sheegay in cudurka Corona uu saacadihii u dambeeyay dalka ugu geeriyooday hal qof, halka 10 kalena ay kasoo bogsadeen.
Dadka laga helay cudurkaas 35 kamid ah waa rag, halka 10-ka kale ay dumar yihiin.
Guud ahaan Soomaaliya tirada kiisaska cudurka Coronavirus ayaa gaartay 2,334 xaaladood, 441 qofood oo ka mid ah dadkaas ayaa kasoo bogsatay xanuunka, halka inta la ogyahay 83 kalena ay u geeriyoodeen.