Labadda Gobol ee ugu qanisan Wadanka talyaaniga ee dhaca Woqooyiga dalkaasi ayaa qabanay Afti si ay codbixiyeyaasha u weeydiistaan in ay Madaxbanaani doonayaan iyo in kale.
Gobolka Lombardy oo ay ku taalo Casimadda dhaqaalaha ee Milan iyo Gobolka Veneto ayaa waxaa kasoo xarooda 30% Daqliga Qaranka Talyaaniga.
Gudoomiye yaasha Labadda Gobol ayaa kawada tirsan Leegadda Woqooyi, oo Muddo badan ku doodayay in Goboladda Woqooyiga Talyaanigu ay ay kabayaan Goboladda Saboolka ee Koofurta.
Goobaha Codbixinta ayaa waxa laga filayaa in ay kasoo baxdo guul “Haa” ah.
Dowladda dhexe ee Magaaladda Rome ayaa sheegtay in Aftidu aysan Muhiim ahayn, inkastoo dastuurka talyaanigu u ogolyahay in ay Afti ka Qaadaan Dadkooda.
Madaxbanaanida ay Doonayaan Goboladaan ma ahan mid ay kaga go’ayaan Wadanka oo dhan laakiin waxay doonayaan in ay kusii jiraan dalka Talyaniga iyagoo helya awood kabadan midda ay ula simanyihiin Gobolada kale ee dalka, si ay u yeehsaan Cod ka badan codka ay leeyihiin Gobolada kale ee Dalka.