Somali News

Godeey oo ciidammo ay isku hor fadhiyaan

Goodeey-KNN-Wararka aan ka heleyno dowlad deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada Godeey ay isku hor fadhiyaan ciidamada Federaalka Itoobiya iyo kuwa Liyuuga loo yaqaan ee Kilinka shanaad ka jira.

Ciidamada ayaa kaabiga isku haya, waxaana la soo warinayaa in ay suuragaltahay in dagaal uu dhexmaro Milatariga Itoobiya iyo ciidanka Liyuu Booliska.

Wali guud ahaan deegaanada Soomaalida ee Itoobiya ay heysato waxaa ka taagan xiisado colaadeed, iyada oo dad aan tiro yareeyna ay ka qaxayaan deegaanada ay halista badan xilligan ka taagantahay.