Muqdisho-KNN-Golaha Abwaanada Sooomaaliyeed oo maanta ka qayb galay xaflada kalfadhiga 5aad ee aqalka sare ee Baarlamanka soomaaliya ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujiyeen xaaladda amniga uu xilligan marayo dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed Weliye oo ah Guddoomiye ku xigeenka golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay ugu horeen munaasabadda, waxaa uu sheegay in haddii dawladda ay gacan ka siiso abwaanada arimaha amniga in lagu guulaysan karo amniga caasimadda, isagoona sheegay in talooyin ku aadan amniga ay siin doonaan Dowladda.
Sidoo kale Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo isna ka hadlay madasha ayaa waxaa uu ka hadlay waddooyinka la xidhay ee magaalada muqdisho, waxaa uuna shaac ka qaaday in aysan xal ahayn arrintaasi oo xal kale la raadiyo, kaas oo lagu sugi karo amniga Muqdisho.
Halkan ka Dhageyso codadkooda.