Uncategorized

Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed oo Soomaaliland ka dalbaday in la siidaayo Abwaan Naciimo Qorane

Muqdisho-KNN-Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadalay xiragii magaalada Hargeysa loogu geystay Naciimo Abwaan Qorane.

Naciima Abwaan Axmed Qorane oo ah gabar abwaan ah ayaa Soomaaliland ku soo oogaytay dacwad la xariirta in ay faafisay qoraalo dhaawacaya madax banaanida Soomaaliland.

Ciidamada amaanka ee Soomaaliland ayaa xiray Naciima Axmed Qorane 29ka bishii koobaad ee sanadkaan, iyadoona maxkamada gobolka Maroodi jeex 15kii bishaan ku xuntay 3 sano oo xabsi ah.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdulaahi Guure iyo Abwaan Xersidhuux  Maxamed Weheliye oo ah guddoomiye ku xigeynka golaha abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa waxay madaxda Soomaaliland ka dalbadeen in si shuruud la`aan ah loo sii daayo Abwaan Naciima Axmed Qorane.

Baaqa golaha abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa imaanaya xili magaalada Hargeysa ay ku xirantahay Abwaan Naciimo Axmed Qorane.