Uncategorized

Golaha amaanka ee Q.M. oo ka shiraya qaraar ay ku saabsan Qudus.

Muqdisho-KNN-Warbaahinta Caalamka iyo Warbaahinta gudaha ee Dalka Masar ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobooy u gudbisay Qaraar qabyo ah oo ku aadan sharci ahaan Shaha magaalada Barakaysan ee Qudus kadib markii Dowladda Mareykanka ay sheegtay in Qudus aqoonsatay in ay tahay Caasimadda Maamulka Yahuudda ee Israel.

Sida ay daabacayn Warbaahinta Masar Qaraarkan qabyada ah ayaa dhigaya in sal iyo raad aysan shaciga ku lahayn in hal dhinac uu go’aan ka gaaro mustaqbalka magaalada Qudus taas oo caro xoog leh ka dhax-dhalisay Bariga dhexe.

Tillaabooyiinkan oo ay soo jeedisay dowladda Masar ayaa ku soo beegmaya ka dib markii uu madaxwayne Trump ku dhawaaqay in Mareykanka ay Qudus u aqoonsadeen caasimada Israa’iil.

Walaac xoog leh ayaa laga muujinaya go’aankii maraykanka waxa uuna xiisad ka dhax abuuray wadamada Dunida gaar ahaan wadamada Islaamka.