Uncategorized

Golaha Amaanka ee QM oo Cusbooneysiiyay Fududeeynta Cune-qabateeynta saaran Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Golaha Amaanka ee QM ayaa Talaadadii cusbooneeysiiyay Fududeeynta Cune qabateeynta saaran Soomaaliya ee dhinaca hubka waxayna Gaarsiiyeen 15-ka November Sanada 2018,  waxayna sii xoojiyeen mamnuucista hubka lasoo dhoofiyo iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.

15 ka Xubnood ee Golaha Amaanka ee QM ayaa u codeeyay Qaraarka Lambarkiisu ahaa 2385 si a u cusbooneeysiiyaan Cune-qabateeynta saaran Soomaaliya, 11 Xubnood oo ka Tirsan Golaha Amaanka ee QM ayaa ogolaaday Qaraarka Halka Afar Wadan oo kala ahaa   Bolivia, China, Egypt iyo Russia ay ka aamuseen.

Goluhu waxay sidoo kale Waqtiga u kordhiyeen kooxda Monitoring Group ee qaabilsan la socodka Cune qabateynta  Hubka ee Saraan Soomaaliya iyo Eritrea, waxay sidoo kale Goluhu Aqoonsadeen in Sadaxdii waqti xiliyadeed ee lasoo dhaafay aysan Kooxa Monitoring group ku guuleeysan in ay Cadeeymo sax ah u keenaan in Dowladda Eritrea ay Taageerto Al-shabaab.

Golaha Amaanka ee Qm ayaa Dowladaha Eritrea iyo Jabuui waxay ugu Baaqeen in ay ka Baaqsadeen Xiisadaha Xuduuda islamarkaan ay raadiyaan Xal Wada ogol ah si loo dhameeyo Khilaafka Xuduudda ee u dhexeeya.

Cune Qabaeeynta Hubka ee Saaran Soomaaliya ayaa Masuuliyiinta

Dowladdu waxay kusheegaan in ay tahay Caqabadda ugu weeyn ee Dowladda u diidan in ay ka adkaato Al-shabaab.

Dhinaca kalena Qaadista Cune qabateeyntu waa qatar ku imaankarta Dowladda Soomaaliya, waxaana suurto gal ah in al-shabaab ay Hub ka helaan dibada taas oo Dowladda Soomaaliyana Waqtigaan aysan Awood Buuxda u lahayn in ka hor istaagto.