Uncategorized

Golaha amaanka oo maanta kulan deg deg ah ka yeelanaya Xaaladda Qudus.

Muqdisho-KNN-Iyadoo ay sii xumaaneyso Xaaladda magaalada Barakeysan ee Qudus ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa lagu wadaa in ay kulan deg deg ahi ay ka yeeshaan carrada xoogan ee ka dhalatay aqoonsiga uu Mareykanku Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel iyo Hanjaabada ka soo yeereysa Muslimiinta Dunida Islaamka.

Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka  ayaa si adag loogu eedeeyay in uu dhegaha ka fureystay baaqii ahaa, inaanu Qudus u aqoonsan Caasimadda Maamulka Israel dhibaato kasto oo dunida ka dhacdana uu qaadan doono mas’uuliyadeeda Maraykanka.

António Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii sheegay in go’aan kasta oo si gooni ah loo qaato uu halis gelinayo nabadda, waxaana uu ku baaqay in xaaladda Qudus lagu xaliyo wadahadalo dhex mara Falastiin iyo Israel.