Somali News

Golaha ammaanka ee Q.M oo Caawa ka shiraya Xaalada Soomaaliya

Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa caawa kulan ay kaga hadlayaan xaalada Soomaaliya uu uga soconayaa Magaalada New york ee dalka Mareykanka.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa qodobo ay ka mid yihiin doorashooyinka, Amniga, Cadaalada iyo arimo kale.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yarey ayaa waxaa ay ka hadashay doorashada iyo arimaha u qorsheysan guddigooda.

Sidoo kale Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in guddigooda ay dadaal badan gelinayaan sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor oo xalaal ah.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa Ku sugan Wakiilka qaramada Midoobey u qaabilsan soomaaliya. Isagoona goobta ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo xaalada siyaasadeed uu xiligan marayo dalka