Somali News

Golaha ammaanka Q.M oo walaac ka muujisay muranka ka taagan doorashada Soomaaliya

Golaha ammaanka Qaramada midoobey ayaa ugu baaqay dhamaan Hogaamiyaasha Somalida inay xal ka gaaraan dhibaatada wali ku gidaaman Doorashada Somalia.


Safiirka Mareykanka ee QM Linda Thomas Greenfield ayaa saxaafada u sheegtay kadib markii usoo idlaaday kulan albaabada u xirnaa ee fogaan arag ah 15 xubnood ee Golaha amaanka in Golaha walaac xoogan uu ka muujinayo in hogaamiyaasha Somalida ayyan wali xal kaagarin khilaafadka doorashada Somalia.
Waxa ay Linda Thomas Greenfield carabowday in si sharuud la’aan ah ay madaxda Somalida miiska wada hadalka iskugu tagaan ayna xaliyaan qadiyaha wali la isku haayo.


Madaxda Soomaalida ayaa muddo dheer isku fahmi la’ hannaanka doorashada waqtigeeda ka dib dhacday, xilli beesha caalamkuna ay dadaal ugu jirto sidii dhinacyada kala aragtida duwan la isugu soo dhaweyn lahaa.



Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ku wada sugan dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo federaalka, inkastoo aan lagu guuleysanin in shirkii la filayay ay dhammaantood ka wada qeyb galaan.
Ilaa hadda Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaan ku biirin shirka ay ku wada sugnaayeen madaxda saddexda maamul ee kale iyo dowladda dhexe.


Marar badan ayay dowladda federaalku madaxda labada maamul ee shirka ka maqan ugu baaqday inay kusoo biiraan. War saxaafadeedkii ugu dambeeyayna waxay madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay in Deni iyo Axmed Madoobe looga codsanayo inay ka qeyb galaan shir weyne dhawaan looga hadli doono xaaladda doorashada.


Hase ahaatee, war saxaafadeed wadajir ah oo Puntland iyo Jubaland ay soo saareen ayay ku sheegeen in mas’uuliyiinta dowladda dhexe “ay xagal daacinayaan” shirkii loo ballan sanaa inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.