Somali News

Golaha ammaanka Qaramada Midoobey oo shir ka yeelanaya xaalada Myanmar.

Golaha amaanka Qaramada Midoobey ayaa maanta oo Talaada ah waxaa ay fadhi deg deg ah ka yeelanaya Xaalada guud ee dalka Myanmar oo ciidanka ay Afgambi subaxnimadii Isniinta kula waregeen awoodi dalkaasi iyagoona xabsi guri ka dhigay qaar kamid ah Hogaamiyaashii wadankaasi.


Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay Milatariga inay awooda dib ugu celiyaan madaxda dalkaasi isagoo qaar kamid ah wadamada calamka ugu baaqay in cadaadis xoogan ah la saaro.


Wadamada Japan iyo India ayaa ku biiray wadamada sida kulul u cambareeyay Afgambigaasi.