Muqdisho-KNN-Senetorada golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa manta xaruntooda magaalada Muqdisho ku ansixiyay qodobo dhowr ah oo la hor geeyay.
Kulankaan oo ahaa kii 20-aad ee kalfadhiga 6aad ayaa waxaa shir guddomiyay guddomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari).
Golaha Aqalka sare ayaa ansixiyey wax ka bedelka sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka, waxaana u codeeyay ama ay ogolaaday ansixinta sharcigaas 30 mudane. Guddomiyaha guddiga dhaqaalaha ee golaha Aqalka Sare Senetor Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa xubnaha golaha u soo gudbiyay akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedyadaasi