Uncategorized

Golaha Aqalka sare oo Guddi u saaray weerarkii lagu qaaday guriga C/qeybdiid.

Muqdisho-KNN-Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen waxay Gudi baara weerarkii lagu qaaday Guriga uu Muqdisho ka dagan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid u saareen, Gudigaas oo baaridoona sababta ka dambeysa weerarkaasi.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in Guddigaan ay heystaan Muddo gaaban, islamarkaana maalmo kooban ka dib ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadda Baaristooda ka soo baxda.

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa horay u ansixiyay in Guddi loo saaro Kiiskaasi, Maadaama Cabdi Qeybdiid uu sheegay in uusan ku kalsooneyn Guddi uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Guddigan oo ka kooban SHAN XUBNOOD ayaa waxaa guddoomiye looga dhigey Maxamed Amiin Sheekh Cisman halka uu guddoomiye ku xigeen uu ka yahay Axmed Xaashi Maxamuud, sidoo kale guddigan ayaa waxaa xubno ka ah Senatarada kala ah Cabdirisaaq Axmed Cali, Cabdulaahi Sheekh ismaaciil Fartaag iyo Cabdulaahi Cabdi Garuun.

Bishii December sanadkii tagay 2017 da ayey aheed markii Guriga uu Muqdisho ka dagan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid  ay weerar ku qaadeen Ciidamo kumaandoos ah oo ay taba bartay dowlada Imaaraadka.