Uncategorized

Golaha Aqalka sare oo lacag ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Muqdisho-KNN-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho  waxay kaga hadleyn arimo dhowr ah oo ay ka midtahay amniga xaruntooda iyo fatahaadaha ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka, kuwaas oo saameeyay kumanaan qoys.

Guddoomiye ku xigeynka 1-aad ee Golaha Aqalka sare Abshir Bukhaari ayaa kulanka maanta ee Golaha Aqalka sare shir guddoominayay waxana Xildhibaannada Aqalka Sare ay lacag dhan 50,000, Dollar ugu deeqeen dadka uu saameeyey fatahaada Wabiga.

Waxaa sii kordhaya macluusha iyo dhibaatooyinka la soo dirsaya qoysas badan oo ka barakacay fatahaadaha ay sameeyeen Wabiyada Jubba iyo shabeele.

Waxaana soconaya dadaalada kala duwan ee loo fidinayo dadkaasi dhibaateysan.

Golaha Aqalka sare ayaa horay guddiga u saaray la socoshada fatahaadaha taagan, ee saameeyay kumanaan qoys.